Qarax Lagu Laayay Ciidamo Kenyaan Ah Oo Ka Dhacay Gobalka Lamu Ee Dhulka NFD.

Wararka ka imaanaya dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in weerar qarax ah lagu weeraray Kolonyo ciidamo Kenyan ah oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobalka Lamu.

Qaraxaan ayaa waxaa askarta Kenyaatiga ah lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaanada Mararani iyo Kayunga ee gobalka Laamuu.

Ciidamada Kenyaanka ah ee la qarxiyay ayaa doonayay iney biyo dhaansadaan, balse waxay mar qura marti galiyeen qarax xooggan oo goobta loogu aasay.

Ugu yaraan 4 kamid ah ciidamada Kenya ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxaan xooggan, ayna ku dhaawacmeen 10 kale.

Sidoo kale waxaa qaraxa lagaga gubay gaari BG ah oo qeyb ka ahaa kolonyada askarta Kenyaanka ah ee lagu beegsaday gobalka Lamu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.