Sawirro Magaalada Buq’aqable Iyo Munaasabada Ciidul Adxaa Al-mubaarak.
Degmada Buq-aqable ee wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan ayaa maanta si weyn looga ciiday iyadoo dad fara badan salaadda ciidda ku oogeen fagaare halkaasi ku yaalla.
Bulshada ku dhaqan Buq-aqable oo ka mid ah magaalooyika in kabadan 10 sano sharecada islaamka lagu maamulayo ayaa maanta isugu hambaleynayay Munaasabadda Ciidul-Adxaa Mubaarak, waxaana wejiyadooda laga dheehanayay far xad saa’id ah.
Rag iyo dumarba waxaa loo soo lebistay si heer sareysa caruurta dugsiyaduna waxay wateen lebis ka duwan midka dad weynaha kale sidoo kale Culimada iyo odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa ka mid aha bulshada buq-aqale maanta sida weyn ugu ciiday.
Sawiradda ayaa lagu arkayaa ciidamo katirsan Mujaahidiinta oo gudaha Musallaha dadweynaha ugu qeybinaya
hilibka xoolaha udxiyada oo isla goobta lagu gowracay.
Hoos ka daawo Sawirradda sida looga ciiday Buq-aqable:-