Sawirro: Meydadka & Dhaawacyada Rayid Ay Diyaaradaha Kenya Ku Gumaadeen Salagle.

Diyaaradaha Kenya ayaa dad rayid ah ku gumaaday degmada Salagle habeenkii xalay halkaasoo ay ku dishay hooyo iyo gabar gashaanti ah oo ay dhashay, sidoo kale waxaa dhaawac noqday laba gabdhood oo yar yar oo isla qoyskan ah.

Duqeymaha ayaa sidoo kale burburiyay 4 guri oo ay shacabku dagganaayeen kuwaasoo 3 kamid ah ay reerihii daganaa ka baxeen markii ay duqeyntii koowaad dhacday.

Intaa waxaa wehliya khasaaraha hantiyeed. Xabaalaha degmada Salagle ayaa waxaa maanta lagu aasay hooyada iyo gabadheeda Alle ha u raxmado’e, waxaana la arkayay ehelada oo iyagoo ooyaya meydadkooda iska aasanaya.

Habeenkii xalay waxay sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Kenya duqeeyeen degmada Saakow oo daris la ah Salagle, waxaana ku dhaawacantay qof haweeney ah halka ay ku burbureen guryo iyo shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

DF ayaa sheegtay in diyaaradaha saaxiibadood ay duqeymo fariid ah ka geysteen jubbooyinka laguna beegsaday Al-Shabaab.

 

You might also like
1 Comment
  1. Abu mohamed says

    Rabigay haduleeyee
    Dawlad maahan gurguurte
    Rabigay haduleeyee
    Diinta waa cadaw goodoo
    Dalka way iibsadeen
    Rabigay haduleeyee
    Dastuur gaal u sameeyey
    Dalku maamulayaanoo
    Murtad weeye dayuusoo
    Madanayn shacab kiisoo
    Durba waa kan sajuuday
    Doofaartii laga laayey
    Dawlad aan col ahaynoo
    Dibin daabyo badnayd
    Rabigay haduleeyo
    Gaalo raacyo dayuusoo
    Damiir koodi dhinteen

Leave A Reply

Your email address will not be published.