Sidee Ayuu Mareykanku Ugu Fashilmay Kasbashada Hindiya, Si’uu Uga Hortago Xukuumadda Shiinaha?(Warbixin)

Dunidaan aan ku nool nahay waxaa ka socda loollanno adag oo u dhexeeya dowladaha sheegta quwada caalamka, kuwaas oo ku tar tarmaya inuu midba kan kale ka saaro saaxada, islamarkaana uu isagu noqdo kan hogaaminaya caalamka, haddii ay ahaan leheen xag dhaqaale iyo xag mellatari intaba.

Taasi waxay keentay iney qarxaan dagaallo qaraar oo illaa iyo iminka loo la’yahay wax xal ah, kuwaas oo gallaaftay nolosha boqallaal kun oo ruux, barakaca malaayiin kale, waxaana intaa dheer in dagaalladaasi ay sababeen khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kaas oo soo gaaray dowladaha ay dirirtu dhex mareyso.

Dowladda Mareykanka ayaa iminka calanka u sida duullaannada ka socda caalamka, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa lagu soo qaaday wadamada caalamul islaamli, ama kuwa ka howlcaya wadamada gaalada, xukuumaddan ayaana dooneysa in dunida ay iyadu maamusho, balse waxaa sii dhacaya calankeeda.

Dhibaatooyin aan lasoo koobi karin ayay dowladda Mareykanka ka geystay qaar kamid ah wadamada caalamka, waxayna sameystay dowlado iyada u carbisan, kuwaas oo fulinaya ajandayaasha iyo falalka gurrcan ee ay damac san tahay xukuumaddaan.

America waxa ay muddo dheer ku howlaneed sidii ay usoo jiidan leheed dowladda Hindiya, si ay uga dhigato xaliif istaraatiijiyadeed oo ay ku ilaashato masaalixdeeda ku xeeran badweynta Hindiya iyo tan Haadi, ujeedka arrinkaan ayaana ah sidii ay kaga hortagi leheed nufuudda ay xukuumadda Shiinaha ku leedahay Mandiqadda, taas oo mudooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysatay.

20-kii Sano ee lasoo dhaafay, waxa ay dowladda Mareykanka ahmiyad siisay iney soo dhaweysato xukuumadda New Delhi, si ay u noqoto xaliif dhaw oo muhiim ah, marka laga hadlayo labada badweyn ee aan soo tilmaamnay, Washington ayaana is moodsiisay in haddii ay arrintaan ku guuleysato ay ka saacidi doonto loolanka Jiyoo-Siyaasiga ah ee ah ee ay kula jirto Shiinaha, sida ay daabacday majaladda Foreign Policy.

Madax taagga iyo soo koritaanka dowladda Shiinaha ayaa ka dhigan quwad caalami ah oo taxaddi ku ah dowladda Mareykanka, taas oo usacyineysa sidii ay kaga hor tagi leheed awoodda uu Shiinuhu ku leeyahay qaaradda Aasiya, iyo Mandiqadda oo idil, mid kamid ah wadooyinka ay xukuumadda Washinton u adeegsatay arrintaan ayaana aheyd iney xaqiijiso in Hindiya ay ka dhigato xaliif dhaw oo muhiim ah, taas oo fulisa ahmiyadda uu Mareykanku ka leeyahay Mandiqadda.

Iyadoo ay taasi jirto, islaamrkaana muddo sanado ah uu Mareykanku bixiyay dadaal badan, tan iyo xilligii George W. Bush, ayay haddana xukuumadda Washington ku guul darreystay iney ka mira dhaliso hadafkeedii ahaa in Hindiya ay ka dhigto xaliif siyaasadeed oo awood badan, taas oo fulisa masaalixda America.

Waxaa muuqaneysa iney dhaceen cagsiga wixii uu Mareykanku ku taamayay, taas oo ah in Hindiya ay cilaaqaad wanaagsan la yeelatay Shiinaha oo cadow ku ah Mareykanka, sanadihii lasoo dhaafayna la dareemayay isku soo dhawaanshiyo dhan waliba ah oo ay sameynayaan Shiinaha iyo Hidniya, hadaba, Maxaa keenay fashilka dowladda Mareykanka ee ku aaddan iney kasbato Hindiya, si ay ula dagaalanto Shiinaha?

Maalmihii ugu horreeyay ee waxa loogu yeero xurnimada Hindiya, Maraykanka ayaa loo arkayay in uu yahay xaliif suurtagal ah oo ay yeelato dowladda Hindiya, balse xiisadda dagaal qabow iyo siyaasadda Hindiya ee aan la jaan qaadin tan America ayaa keentay in labada dal ay kala fogaadaan, Mareykanka ayaana tan iyo sagaashamaadkii ka gaabsaday inuu soo gudbiyo ujoodinkiisa dhabta ah ee ku wajahan Hindiya, isagoo markaa ka warhayay dhaqaalaha iyo cududda milatari ee dalkaas ee sii kordhaysay.

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee isbeddelka ku keenay xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Hindiya ayaa ahaa saxiixa heshiiskii Nukliyeerka ee Mareykanka iyo Hindiya ee  sannadkii 2008-dii, heshiiskaas taariikhiga ah ayaana u gogol xaaray in uu kordho tawaacunka ama iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labadaan dowladood sida difaaca, ganacsiga iyo tignoolajiyada.

Dad badan ayaa rajo ka qabay in heshiiskan uu saldhig u noqon doono iskaashi istaraatiijiyadeed oo qoto dheer una dhexeeya labada dal, inkastoo ay jireen heshiisyadaas ayuu haddana Mareykanku muddo sanado ah ku howlanaa sidii uu usoo jiidan lahaa Hidiya, isagoo meesha ka saaraya cabaq waliba oo hoos u dhigi karta xiriirka kala dhexeeya Hindiya

Sannadihii la soo dhaafay, maamulka madaxweyne Joe Biden wuxuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah, isagoo isku howlnay inuu heshiisyo cusub la galo dowladda Hindiya, xukuumadda Washington ayaana billawday hindise cusub oo lagu ballaarinayo islamarkaana Hindiya lagu gaarsiinayo tignoolajiyada casriga ah, waxa uuna sidoo kale Mareykanka sameeyay wadahal xagga amniga ah oo afar geesood ah, kaas oo kulimanaya dowladaha Australia, Hindiya, Japan iyo Mareykanka, kuwaas oo ah mid ka mid ah tiirarka istiraatijiyaddeeda gobolka.

Iyadoo rajeyneysa iney ku guuleysato sharadkii ay dhigatay ee ahaa in Hindiya ay ka dhigato rafiiq xagga mellatariga ah, taas oo ay u kaashato dhibaatooyinka mustaqbalka kasoo wajihi jara Shiinaha, ayay xukuumadda Washington isku howshay iney maalgashato Hindiya, islamarkaana indhaha ka laabato arrimaha gudaha ee Hindiya iyo siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ka fog Maraykanka, sida diidmada ay ku cambaaraynayso duullaanka joogtada ah ee uu Ruushku ku hayo dalka Ukraine.

Inkasta oo Maamulka Biden uu sii wado maalgashida Hindiya, ayay haddana khubarradu ku doodayaan in Mareykanka ay waajib ku tahay in siyaasaddiisa uu ku dhiso qiimeyn waaqici ah oo ku aaddan istaraatiijiyadda Hindiya, Khiyaalina aysan eheen in Hindiya ay si togan uga jawaabi doonto marka Washington ay weyddiisato caawinaad inta lagu jiro xiisadda gobolka ee Mareykanka kala dhexeyso Shiinaha.

Marka laga hadlayo xagga ganacsiga, waxa ay dadku qaar aaminsan yihiin, in filashada uu iminka Mareykanku ku jiro ee ku aaddan kobaca Hindiya, ee u dhiganta awood weyn oo lala bar bar dhigi karo Shiinaha ay tahay mid qaldan, xukuumadda New Delhina aysan marnaba ku lug yeelan doonin duullaanka uu Mareykanku ku hayo Shiinaha.

Waxaa muuqata in Hindiya ay qadarineyso iskaashiga kala dhexeeya Mareykanka, kaas oo ay kafaa’iideyso manaafic la taaban karo, saasoo ay tahayna ma aaminsana iney waajib ku tahay in Mareykanka ay ku taageerto dhibaatada uu ka wado caalamka, si aysan Hindiya u noqon mid la safan Mareykanka oo tahdiid ku heysa Shiinaha, sida ay daabacday majallada Foreign Policy.

Mar qura ayay arrimuhu is badaleen, waxaana fashil ku yimid siyaasaddii Mareykanka ee Hindiya, iyadoona la tilmaamayo iney jiraan cawaamil dhowr ah oo sabab u ah fashilkaas.

Mid kamid ah xisaabaadka istaraatiijayadeed ee ugu weyn gaarkana u ah Hindiya ayaaa ah, in xukuumadda New Delhi ay leedahay taariikh dheer oo aan toos aheyn, Waxayna ahayd mid aan jeclayn in loo arko in ay dhinac ka tahay siraac kasta oo juqraafiyeed, waxaa intaa dheer in HIndiya uu heysto walaac iyada ugaar ah, kaas oo ku aaddan saamaynta sii kordheysa ee uu Shiinuhu ku leeyahay Mandiqadda, iyadoo ka fogaatay iney lugaha lagasho arrin waliba oo loo arki karo iney xiisad kicineyso.

Waxaa jira asbaabo kale oo keenaya fashilka Mareykanka ee ku aaddan inuu kasbado Hindiya, kuwaas oo ay kamid tahay xiriirka uu Mareykanku la leeyahay Pakistan oo ah cadawga soo jireenka ah ee Hindiya, waxa ayna in badan xukuumadda New Delhi Mareykanka ku eedeysaa inuu la safan yahay Pakistan, marka laga hadlayo arrimaha muhiimka ah, waxaa intaa dheer in tasarrufaadka Mareykanka ee Mandiqadda, sida faraglinta uu ku sameeyay Afghanistan iyo Ciraaq ay abuurtay kalsooni darro weyn oo soo food saartay Hindi badan.

Si kastaba ha ahaateen loollanka u dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ah mid aad u adag, waxayna arrintu faraha kasii baxday kadib markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine, taas oo keentay iney is xulafeystaan dowlado waaweyn, arrintaan ayaana noqotay furin kale oo kusoo furantay xukuumadda Washington.

Wadamada dhaca qaaradaha Aasiya iyo Africa ayaa ah halka ugu badan ee uu ka socdo siraaca adag ee dhex maraya darafyadaan, waxayna judhi ballaaran ku bixinayaan iney kasbadaan dowladaha ku yaalla qaaradahaas, si ay u gurtaan kheyraadkooda, islamarkaana si toos ah ugu xiraan dalalkooda.

Dhageyso: arbixin Sidee Ayuu Mareykanku Ugu Fashilmay Kasbashada Hindiya, Si’uu Uga Hortago Xukuumadda Shiinaha?

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.