13 Ka Tirsan DF Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weeraro Ka Dhacay Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in maanta qeybo kamid ah gobolkaas ay ka dhaceen weeraro khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan DF iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda loo yaqaano.

Duleedka magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay iska hor-maadka xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray askarta DF iyo maleeshiyaad ay isgarabsanayeen.

Sida ay xaqiijiyay ilo xog-ogaal ah ugu yaraan 5 askar oo DF ah ayaa lagu dagaalka halka lagu dhaawacay 4 kale oo uu kamid yahay taliyihii waday ciidankaasi, kaas oo lagu magacabo Cilmi Guure.

Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa Isla maanta waxay weerar jid-gal ah u dhigeen ciidamo katirsan kuwa DF oo ku socdaalayay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidankaan oo ka soo baxaysa magaalada Beledweyne ayaa kamiinka ku dhacay xili ay marayeen inta u dhexeysa degaannada Xujuub iyo Baardheere ee duleedka Beledweyne waxaana laga dhaawacay 4 askari.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sare u qaaday howlgaladooda ka dhanka ah askarta DF iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ku sugan qeybo kamid gobollada dhaxe iyo gobolka Sh/Dhexe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.