3 Sarkaal oo Ameerikaan Ah oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax habeenkii xalay duleedka magaalada Kismaayo lagula beegsaday ciidamo Mareykan ah oo marayay duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeeysa Birta-dheer iyo deegaanka Harboole ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah iyo askar ka tirsan kuwa ay tababartaan ee Bangaraafta, waxaana lagu gubay gaari gaashaaman oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah.
Sida ay xaqiijisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 3 Ameerikaan ah oo darajooyin kala duwan heystay.
Kan koowaad waa sarkaal Kabtan Mareykan ah wuxuu ka dhaawacmay labada gacmood.
Kan labaad waa sarkaal Injineer Mareykan ah oo qaabilsanaa Isgaarsiinta iyo ka hortaga qaraxyada, mid kamid ah labadiisii Indhood ayuu ku waayay qaraxa.
Kan sadaxaad oo ah askari ayaa ka dhaawacmay ka dhaawacmay labada lugood.
Taliska Africom ee Mareykanka ayaa qirtay in qaraxyo lala beegsaday kolonyo ciidamadooda ka tirsan, mana ahan markii ugu horreysay oo lagu beegsado degaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Mareykanka ayaa Soomaaliya kusoo duulay sannadkii 1993, markii uu ku jabay kadibna wuxuu soo adeegsaday hogaamiye kooxeedyo, markii laga adkaaday wxuu soo adeegsaday ciidamada Itoobiya, markii laga adkaaday wuxuu soo adeegsaday Amisom isagoo ciidamo aan badnayn oo kuwiisa ah usoo diray Soomaaliya, haddoo Atmis ay wadanka ka baxaysana wuxuu quudareynaa inuu mar kale Xabashi adeegsado.