30 Ka Tirsan Danab Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerarkii G/Galgaduud.


Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaarahii ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay wilaayada Islaamaga Galgaduud, kaas oo dhexmatay ciidamada Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Danab.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah u dhigeen kolonyo Danab ah oo ku sucdaalaysay meel u dhow degaanka Galiyaalle ee dhaca duleedka degmada Galcad, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qarar oo dhowr mar lagu jebiyay askarta Mareykanku soo tababartay ee Danab.

War rasmi ah oo ka soo baxay XSHM ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 14 askari oo katirsan maleeshiyada Danab, kuwaas oo meydadkoodu ay daadsan yihiin goobta dagaalka, halka 16 kalena lagu dhaawacay, Sidoo kalena waxaa lagu gubtay 2 gaari oo C/bile ah.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerarka ku soo furtay gaari C/bile ah oo uu qoray saaran yahay iyo hub iyo rasaas badan iyo saanad ciidan oo kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.