Aadan Madoobe Muxuu U Kala Jecleystay Rayidkii Uu Mareykanku Ku Xasuuqay Bay & Askartii Ku Le’atay J Siyaad?

Aadan Maxamad Nuur (Aadan Madoobe) oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha DF ayaa maanta si aad ah uga qeyla dhaamiyay weerarkii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Muuqaal looga soo duubay madaxtooyada ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xunyahay khasaarihii ba’naa ee shalay ciidamada DF ku gaaray weerar nafhurnimo ahaa oo uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in awalba ciidamada DF ay ku dhiman jireen dagaalka, haddii kuwii shalay dagaal lagu dili lahaana laga socon lahaa, balse waxaa xanuun leh (sida uu hadalka u dhigay) in mar qura la laayo ciidan dhan oo xero ku sugnaa.

Aadan ayaa tilmaamay in weerarkan uu niyad jab keenayo marka la eego meesha uu ka dhacay oo ah xero si aad ah ammaankeeda loo ilaaliyo, cida lagu beegsadayna ay yihiin ciidankii laga sugayay iney ammaanka ilaaliyaan.

Isagoo aad u careysan ayaa waxa uu khaa’iniin ku tilmaamay saraakiisha DF gaar ahaan kuwa uu ku sheegay iney dayaceen xerada ama ay sahleen weerarka (sida uu hadalka u dhigay)

Wuxuu sheegay inuu amar ku bixinayo in baaritaan dhab ah la sameeyo lana keeno xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen iyo qaabka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu suuragashay weerarkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 73 askari.

Waa mas’uulkii ugu horreeyay DF oo 36 saacadood kadib ka hadlaya weerarka, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo Xasan Sheekh uu dalka dibaddiisa ku maqan yahay.

Arrinta la yaabka leh ayaa waxay tahay in Aadan Madoobe uusan marnaba ka hadlin gumaadkii shacbi ee uu shalay Mareykanku ka geystay degaanka Bisiqcadde oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaasoo lagu dilay 10 qof oo shacab ah oo ay isku heyb yihiin, halka lagu dhaawacay tiro intaa ka badan oo ay caruur kamid yihiin sida laga dheehan karo sawirradii laga soo qaaday.

Suldaanka beesha Eelaay ayaa sheegay in Mareykanku uu laayay dad maati ah iyo xoolo ka waraabayay degaanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Aadan Madoobe

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.