ADF: Koror ku yimid weerarada Al-Shabaab Xilli ATMIS ka baxayso Soomaaliya.

Warbixin ay daabacday majallada Mutadaha arimaha Difaaca Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo ADF ayaa lagu sheegay iney Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay aad u kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya, xilli ciidamada Shisheeyaha ATMIS ay billaabeen iney ka baxaan dalka.
“ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhawaaqay dagaal buuxa oo ka dhan ah Al-Shabaab, laakiin waxaa muuqaneysa in kooxda xagjirka ah ay qaadeyso weeraro culus oo beegsanaya ciidamada Ammaanka” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay Muntadaha arimaha difaaca ee Africa, magacisiisana loo soo gaabiyo ADF.
Sida uu sheegay website diiwaan geliya howlgallada milliteri, muntadahana uu soo xiganayo, intii u dhexeysay 27-ka May illaa 23-da June waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaaday inkabadan 200 oo weerar, kuwaasoo dhaliyay dhimashada inkabadan 700 oo ruux.
Weerada ugu badan ee uu muntaduhu diiwaan geliyay waxay ka dheceen gobolka Shabeellaha Hoose oo xuduud la leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasoo badankood lagu beegsaday ciidamada midowga Afrika ee ATMIS.
Warbixintu waxay leedahay “ ATMIS waxaa saran in amniga Soomaaliya ay ku wareejiso ciidamada Soomaalida marka la gaaro 2024-ta, howlgalku wuxuu dhamaadkii bishii June 2000 oo askari ka saarey dalka, kuwaasoo ka kala socda dalalka Burundi, Kenya, DJabuti iyo Uganda, 3000 oo askari oo dheeraad ah ayaana lagu wadaa in dhamaadka Septembar howlgalka ATMIS ka saaro Soomaaliya, sida ay warbixintu sheegeyso.
Maxmuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayay soo xiganeysaa warbixinta, kaasoo sheegaya in ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku adkaan doonto iney sugaan amniga deegaannada ay baneynayaan ciidamada Shisheeyaha, waxaana muntadaha arimaha difaaca ee Africa uu leeyahay “ koror xoogan ayaa ku yimid weerarada Al-Shabaab tan iyo bishii Marso”.
“ Halkaas halis ayaa kasoo socota, cadowgu wuxuu isku dayi doonaa inuu ka faa’ideysto bixitaanka ciidamada ATMIS, dadka la shaqeeya ciidamada ammaanka iyo kuwa ATMIS ee jooga deegaannada ay faarujiyeenna waxay la kulmi doonaan weeraro aargduasho ah” ayuu yiri Maxamudu Sayid Aadan oo la hadlayay idaacadda Maraykanka, warbixinta muntadahana ay soo xiganeyso.
Bishii May, Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig hooy u ahaa ciidamada ATMIS qeybtooda Uganda kuwaasoo deganaa magaalada Buulomareer oo qiyaastii 120km ka fog magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, howlgalkaas waxay Uganda qiratay in looga diley 54 askari, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna waxay xaqiijisay in halkaas ku dishey kudahwaad 200 oo askari.
Waxay sidoo kale warbixintu soo qaadaneysaa weerar bishan July ka dhacay deegaanka Gerilley oo ay banneeyeen ciidamada Kenya, ciidamada Soomaalida ee halkaas joogay ayuu muntaduhu sheegay iney cagaha wax ka dayeen markii ay soo weerareen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkastoo Xarakada Al-Shabaab ay gudaha Soomaaliya kaga jirto dagaallo culus oo ka dhan ah ciidamada ATMIS iyo kuwa Dowladda federaalka, hadana Muntadaha arimaha difaaca ee Africa wuxuu tilmaamayaa in Al-Shabaab weeraro horleh kasii fulinayaan gudaha dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya.
“ 8 sarkaal oo katirsan booliiska Kenya ayay ku dileen meel u dhow xuduuda Soomaaliya iyo dhulka NFD, kadib markii ay qarax ku burburiyeen gaarigii ay saarnaayeen. Laba todobaad kahorna Al-Shabaab 5 qof ayay ku dileen Laamu, iyagoo gubay guryo ay dad degnaayeen” ayay leedahay warbixintan cusub.
Kenya iyo Uganda oo keliya maahan dowladaha ay ciidamadooda la kulmeen weeraro culus oo uga yimid xaga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay warbixintu xaqiijineysaa in ciidamada Itoobiya ay iyaguna la kulmeen weeraro khasaare dhaliyay oo uga yimid dhanka Al-Shabaab.
Waxay warbixintu tusaale usoo qaadatay camaliyaadkii waaweynaa ee lagu qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya ee magaalad Doolow, halkaas oo looga dilay 123 askari, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.