Al-Shabaab Oo Maalin Cad ka dagaallamaya Muqdisho.(Daawo Muuqaal Cusub)
Channelka wararka ee Al-Kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal lagu soo bandhigayo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo howlgallo dharaar cad maalin ah ka fulinaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Weerarada filimka lagu daawanayo waxa uu mid kamid ah ka dhacay xaafad katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay maalin cad weerarayaan ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo goobta fariisin milliteri ku lahaa.
Weerarka kale ee filimka lagu soo bandhigayo wuxuu 4 maalin kahor ka dhacay xaafaddaTiida ee degmada Dayniile, ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaana xilli habeen ah waxay weerareen bar kontorool oo ay joogeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Waxaa filimka lagu daawanayaa meydadka 5 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, iyadoo ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay soo furteen hubkii ay ciidankaas ku dagaallamayeen, markii dambena waxay gubeen xaruntii ciidan ee ay weerarka ku qaadeen.
Iyadoo dowladda federaalka tilmaameyso iney wiiqday awoodda Al-Shabaab, ayaa hadana waxaa muuqata arinkaas caksigeeda, ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo lasoo baxay dardar horleh ayaana silsilado howlgallo ah oo culus waxay ka fulinayaan goob weliba oo ay doonanaan oo ay ugu weyntahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Halkan ka daawo Filimka uu baahiyay kanaalka Al-Kataa’ib.