Askari Yahuudi Ah Oo Lagu Dilay Al-Jiniin & Sahaayinada Oo Soo Afjaray Weerar Ay Ku Hayeen Magaalada.(Warbixin)

Weerar lagu dilay askari Yuhuudi ah ayaa ka dhacay daanta galbeed, iyadoona Maamulka Yahuudda uu soo gaba gabeeyay howlgalkii uu ka waday Magaalad Al-Jiniin.

Idaacadda Maamulka Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamada gumeysiga ay gabi ahaanba isaga baxeen howlka Al-Jiniin ee dhaca daanta galbeed, halkaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay duullaan ballaaran ku hayeen ciidamada ixtilaalka.

Afhayeen u hadlay ciidamada maamulka Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, iney si rasmi ah usoo gaba gabeeyeen howlgalkii laba maalmood qaatay ee ay ka wadeen Magaalada Al-Jiniin, “Dhammaan ciidamadii ammaanka ee ku sugnaa Magaalada Al-Jiniin waa ay isaga soo baxeen halkaas, kadib markii ay burburiyeen kumannaan qalabka dagaalka ah oo ay ku jiraan miinooyin, hub iyo keydad rasaas ah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Kooxaha muqaawadamada Filastiiniyiinta ayaa iska caabin adag kala hortagay ciidamada Yuhuudda, iyagoona ka gubay tiro gaadiid ah, saacidhii lasoo dhaafay waxay Muqaawamadu weerar kamiin ah la beegsadeen kolonyo katirsan ciidanka Yuhuudda, iyagoona dilay 1 askari mid kalena dhaawacay.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Yahuudda oo isaga baxaya Magaalada Al-Jiniin, waxaana weerarka kamiinka ah oo ku billawday qarax xooggan lala beegsaday kolonyadaan, mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ayuuna haleelay qaraxa.

Guutooyinka Al-Qasaam oo ah garabka mellatari ee ururka Xamadaas ayaa sheegay, in dagaalyahannadoodu ay iska hor-imaad xooggan gudaha Al-Jiniin kula galeen ciidamada Yahuudda, ayna gaarsiiyeen khasaare nafeed, tiro gaadiid ah ayay sidoo kale sheegeen iney la beegsadeen qaraxyo xooggan.

Markii ay ku fashimeen weerarkuu ay ku qaadeen Magaalada, ayay Yahuuddu billaabeen iney duqeymi bahalnimo ah ka geystaan xaafada Al-Jinin, kuwaas oo lasoo warinayo iney geysteen waxyeello kala duwan.

Wariyayaal ku sugan Magaalada Al-Jiniin ayaa sheegaya, im tiro dad Filastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha gumeysiga ka fuliyeen xaafado katirsan Magaalada, mid kamid ah duqeymaha Yuhuudda ayaana beegsatay qabuuro ku yaalla bariga Al-Jiniin.

Wasaaradda caafimaadka ee Filastiiniyiinta ayaa shaacisay, inuu kordhay khasaaraha ka dhashay weeraradii ay Yahuuddu kusoo qaadeen Magaalada, waxaana tirada dadka shuhada ah ay gaartay 12 ruux, kadib markii meydka wiil dhalinyaro ah laga helay wado ku taalla xaafadda Xeyfaa ee Magaalada Jiniin.

Sidoo kale waxaa weerardaan ku dhaawacmay 117 ruux oo Filastiiniyiin ah, kuwaas oo 12 kamid ah ay xaaladoodu liidato, waxaa intaa dheer oo mudadii howlgalkaan socday ay ciidanka gumeysiga qafaasheen 120 ruux oo kamid ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Magaalada.

Weerarkaan ayaa ahaa kuu ugu xumaa ee ay Yahuuddu kusoo qaadaan Magaalada Al-Jiniin oo dhacda daanta galbeed, waxaana marka laga yimaado magaalada ay kooxaha muqaawamada weeraro aargudasho ah ka fuliyeen magaalada Tel-Aviv ee ay caasimadda ka dhigteen Yahuudda, halkaas oo lagu dhaawacay ku dhawaad 10 kamid ah dadka Yahuudda ah.

Halkaan Ka Dhayeso Warbixin Xaaladda Magaalada Al-Jinin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.