Dagaal Dhex Maray Somaliland & Jabhadda Gacan-Libaax.

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal dagaal ka dhex qarxay maamulka Muuse Biixi iyo Jabhadda Mucaaradka ah ee maalmahan isku uruursanaysay buurta Gacan-libaax oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Dari-mara oo u dhow buurta Gacan-libaax, waxaana afhayeen u hadlay Jabhadda uu shaaca ka qaaday in dagaalka dhankooda lagu soo qaaday, ayna ka dambeeyeen ciidanka Somaliland iyo kuwa RRU ee uu Ingiriisku tababaray.

Muaaradku waxay sheegeen in uusan jirin khasaare soo gaaray, balse dhanka Somaliland ay ka gubeen hal gaari islamarkaana aysan ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha dhimasho iyo mdka dhaawac, haddii uu jiro.
Dagaalkan ayaa billowday kadib markii ay is arkeen koox sahan ah oo ka socotay mucaaradka islamarkaana kormeer ku sameeneysay wadooyinka soo gala buurta iyo ciidanka Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Somaliland ay dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaan tageen, waxaana haatan deggan xaaladda tuuladii lagu dagaalamay.

Sida ay sheegayaan dadka xog ogaalka ah dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii jabhadda mucaaradka ay afduubatay saraakiil ciidan iyo odayaal taabacsan maamulka Hargeysa.

Waxaa jira mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo sheegaya iney dadaal ku bixin lahaayeen sidii ay colaada meesah uga saari lahaayeen, una soo ogaan lahaayeen waxa ay tababayso jabhadda gashay buurta Gacan-libaax.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in uu Soomaaliya ku socdo qorshe ay Itoobiya iyo reergalbeedku wataan oo ah in lasoo celiyo colaadii qabaa’ilka. Colaada Laas-caanood iyo kuwa ka jira gobolada Somaliland ayaa aakhirka la doonayaa in marmarsiyo looga dhigto in loo dirayo ciidamo shisheeye, sidaana lagu geeyo Xabashida, una qabsato qaar kamid ah xeebaha.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.