Dhageyso Xasan sheekh oo Lagu eedeeyay Sad Bursi iyo Cadaalad Darro.

Xili madaxweynaha dowladda uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa hareeyay dowladiisa ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn ka timid shacabka soomaaliyeed, siyaasiyiin mucaaradsan dowladda iyo xubno ku jira dowladda federaalka.

Howlgallada Musuqmaasuqa lagu beegsaday  ayaa ilaa iyo haatan lagu wajahay dadkii ku jiray ee dacada u ahaa dowladii Farmaajo oo qaar kood ay dibad joog yihiin halka kuwa kale xabsiga loo taxaabay.

Xildhibaan Maxamed Weli oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka oo ka hadlayay hannaanka uu usocdo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa  ayaa sad bursi iyo cadaalad daro ku eedeeyay hoggaanka ugu sareeya dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo reysulwasaarihiisa ayuu ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn dagaalka musuqmaasuqa isagoo tusaale usoo qaatay Talaabad lagu xiray agaasimaha guud ee shaqada iyo shaqaalaha oo 46 cisho uxiran masuqmaasuq lagu soo eedeeyay.

Halkan ka dhageyso Hadalka Xidhibaan Maxamed Weli

Todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu xasan sheikh si is daba joog ah kaga hadlayay musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda iyadoo la xiray xubno katirsan dowladda oo lagu eedeeyay inay xatooyo geysteen.

Si kastaba lama filayo in la cirib tiro xajmiga musuqmaasuqa iyo xatooyada ka dhex jirta dowlada waxaana dad badan is weydiinayaan cida ay tahay in talaabo ka qaado madaxweynaha dowladda oo lagu eedeeyay inuu ku kacay musuqmaasuqa isagoo lunsaday Lacag badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.