Dhageyso:Maxaa xiligaan ugu wacan inay bataan dilalka Koonfur Afrika ee Soomaalida.

Sadaxdii todobaad ee lasoo dhaafay gudaha dalka koonfur Afrika waxaa ka dhacay dilal loo geystay qaar kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsada gudaha dalkaasi.

Wararka naga soo gaaraya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed  lagu dilay wadankaasi.

Burcad hubeysan ayaa geystay dilka oo ku biiraya dilal badan oo in muddo ah dalkaasi loogu geysanayay Ganacsatada.

Mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool koonfur Afrika oo la hadlay barnaamijka dhuuxa wareysiyada ee ka baxa Alfurqaan ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu aad uliito wax kastana ay sara kaceen qiimaha la iibiyo taasi oo keentay in la boobo hantida ganacsatada Soomaaliyeed.

Ma jirto wax tilaabo ah oo ay qaadya dowladda kuna badbaadineysay kooxaha dilalka geysta sida uu sheegay ganacsadaha la hadlay Alfurqaan.

Halkan ka dhageyso Abuu Marwaan oo Jooga  Koonfur afrika

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.