Diyaaradaha Maraykanka Oo Dad Shacab ah Ku laayay Deegaan hoostaga Buur-Hakaba.

 

Waa wiil yar oo uu Maraykanku horey ugu diley Jilib.

Wararka naga soo gaaraya deegaan hoostaga degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in diyaaradaha Maraykanka ay dad shacab ah ku laayeen duqeyn wuxuushnimo ah oo ay ka geysteen deegaankaas.

Deegaanka ay duqeyntu ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Bisiq-cade waxaana uu u dhowyahay degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Ugu yaraan 5 ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in diyaaradaha Maraykanka ay halkaasi ku dileen, halka ay ku dhaawaceen 10 kale.

Diyaaradaha duqeyntan geystay ayaa kasoo kacay sida ay ilo wareedyo xaqiijinayaan saldhiga Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Maraykanku ku leeyihiin saldhiga ugu ballaaran ee ay Soomaaliya ku leeyihiin.

Dhowr jeer oo hore diyaaradaha Maraykanka waxay xasuuq bahalnimo ah kula kaceen dadweyne shacab ah oo ku sugan deegaannada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo si gardaro ah u sheega iney beegsadeen xubno katirsan Xarakada Al-Shabaab, walow mararka qaarna ay qirtaan beegsiga dadka shacabka ah, iyagoo ka been sheegaya tirada khasaaraha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.