Faratoon oo Loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanak Somaliland.

Xildhibaanada maamulka Somaliland ayaa maanta gudoomiyaha golaha u doortay Yaasiin Xaaji Faratoon kadib kulan ay ku qaateen magaalada Hargeysa.

Faratoon ayaa helay 46 cod halka xildhibaankii la tartamayay Maxamad Khadar uu helay 34 cod. Laba sannadood ka hor ayay ahayd markii uu Faratoon u tartamay xilkan kuna guul darreystay.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi galaangal badan oo saaxiib la ah siyaasiyiin saameyn leh oo Itoobiyaan ah, wuxuu xilal wasaaradeed dhowr mar kasoo qabtay maamulka Soomaaliland.

Waa 76 sano jir ku dhashay magaalada Laascaanood sannadkii 1947-kii, waxbarashadiisa jaamacadda-na wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Inta badan waxaa xilalka maamulka Somaliland qabta dad waayeello ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.