Gen. Zakiya oo Sheegtay Iney Wajahayso Khatar Uga Imaneysa Al-Shabaab.
Zakiya Xuseyn oo ah taliye xigeenka booliska DF ayaa shaaca ka qaaday iney la nooshahay cabsi iyo khatar uga imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxay sheegtay in dhowr sano ka hor sirdoonada caalamiga ah kusoo wargeliyeen in lagu soo wajahan yahay oo la dili doono, sidaasi darteedna ay u carartay wadanka Ingiriiska oo ay dhalashadiisa heysato.
Haweeneydan oo ay siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyaan iney ka tirsan tahay sirdoonka wadankaas ee MI6 ayaa tilmaantay iney muddo ku maqnay wadankaas ugu dambeyntiina soo laabatay.
“Hadda waxaan soo iibsaday karfanteyda ayay tiri” tan oo muujineysa iney markan is dhiibtay maadaama gacanta XSHM ay gaartay meelo xasaasi ah oo ay ugu dambeysa kuliyaddii Jaalle Siyaad oo todobaadkan lagu laayay ciidan aad u badan.
Madaxda DF iyo saraakiisha ciidanka ayaa ku nool walwal aad u badan, waxaana uu walaacu kusii badan yahay kuwa aan heysan gaadiidka ayan xabaduhu karin iyo dhaqaale ay ku dhoofaan marka ay khatari lasoo gudboonaato.
Sakariya ayaa marar badan fagaarayaasha ka sheegtay hadallo ay ku taageereyso xeerka jinsiga oo ay ku jiraan qodobo xalaaleynaya iney is guursadaan dadka isku jinsiga ah sida rag- rag guursanaya oo kale, waxay sidoo kale goob joog ahayd, kana hadashay shirkii ay Sacdiyo Yaasiin ka sheegeysay iney Muqdisho isaga tageyso haddii xeerkan la ansixin waayo.