Hoos udhac xoog leh oo ku yimid Nisbada guurka ee Masar. [DHAGAYSO WARBIXIN]

Nisbada hoos u dhaca guurka ee dalka Masar ayaa gaartey meeshii ugu hooseysay abid, iyadoo la diiwaan geliyay hoos u dhac lagu qiimeeyay 50%, waxaana la filayaa in hoos u dhacaas uu sii socda, ayna kordhaan dadka doobka ah, taasoo saameyn ku yeelan karta taranka bulshada reer Masar.

Hay’ad diiwaan gelisa arimaha guurka, qaabilsanna iney isku meheriso dadka is calmanaya ayaa sheegtay in sanadkan socda ee 2023-da ay diiwaan geliyeen 320 kun oo guur, halka sanadkii tagay ee 2022-dana la diiwan geliyay 50 kun oo guur guud ahaan dalka Masar, taasoo aad uga yar sanado kahor sida uu ahaa iqbaalka guurka.

Sanadkii 2019-ka waxaa la diiwaan geliyay in tirada guurka ee dalkaas Masar ay gaartey wax ku dhow hal milyan, taasoo ahayd 927 kun, iyo 844 guur, halka sanadkii 2021-da ayay noqotay 880 kun iyo 41 kun, sida uu tilmaamay markaz qaabilsan tirakoobyada bulshada reer Masar.

Halkan ka dhagayso Taqriir- hoos udhaca guurka ee Masar

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.