Howlgalladii ugu danbeeyay ee Alshabaab Fulisay. 02-01-1445 Hijri.

Ciidamo katirsan xarakada Alshabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro iyo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Goballada Banaadir,Shabeellaha Hoose,Hiiraan iyo Gaarisa.

Ciidamada Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen fariisinka Ciidamada dowllada  ee isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Isla Banaadir waxey ciidamada Mujaahidiintu habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhig kale oo ciidamada dowlaada ay ka sameysteen  xaafada Al-nasri-3 ee deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Shabeelada hoose.

Ciidamada Xarakada Alshabaab  waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen fariimaha ciidamada dowladda  ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye.

Isla Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu shalay weerareen isbaarada ciidamada dowladda ee deegaanka Tixsiile oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn

Dhimashada waa 2 askari ,waxayna shabaabku goobta kala tagaan 2 qori AK47 ah iyo 3 Boosh.

Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga deegaanka Arbacow oo ka tirsan deegaan weynaha ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho halkaasi oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda

Hiiraan:

Dagaallo u dhaxeeyey ciidamada Mujaahidiinta iyo Askarta Dowladda ayaa galinkii danbe maanta oo khamiis ah ka dhacay  duleedka degmada Halgan ee wilaayada Hiiraan.

Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmay xili Ciidamada Mujaahidiinta  xalay dagaal culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Hirshabeelle ay ku leeyihiin degmada Buulaburde ee wilaayada Hiiraan, waxaana jira khasaare Ciidamada soo gaaray.

Gaarisa.

Waxaa xog laga helayaa dagaal  01-01-1445 Hijri. ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo Soomaali ah oo ay aas aastay dowlada  Kenya.

Barta la weeraray ayaa ku taalla deegaanka Bakhuur oo ka tirsan gobalka Gaarisa ee ku hoos jira Gumeysiga dowladda  Kenya.

Dagaalkaas waxaa lagu dilay 1 askari.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.