Ilaalada Madaale oo Toogtay Askari Sirdoonka DF Ka Tirsan.

Ilaalada gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay si bareer ah askari ka tirsan sirdoonka.

Askariga la dilay iyo midka wax dilay ayaa waxaa soo kala dhex galay muran sida ay sheegayaan saraakiisha DF, waxaana ugu dambeyntii dhacday toogashada.

Ilaalada Madaale ayaa dilka kadib goobta isaga dhaqaaqay, iyadoo meydka loo qaaday dhanka xarunta sirdoonka ee loo yaqaano Habar Khadiijo.

Askarta DF ayaa dhexdooda ku dagaaladama Muqdisho, iyagoo sidoo kale dhibaateeya dadka shacabka ah iskana dila marka ay ka waayaan lacagaha baada ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.