Ina Mulla Cumar: Ma jiro Khilaaf ka dhexeeya Hogaanka Taalibaan. (Waraysi)

 

Mowlahi Muxamad Yacquub; wasiirka Gaashandhiga Taliban.

Telefeshinka Al-Carabiya ayaa waraysi la yeeshey wasiirka gaashandhiga dowladda islaamiga ah ee Afqanistaan Mowlahi Muxamad Yacquub oo uu dhalay aas-aasihii Imaarada islaamiga ah Mullaa Muxamad Cumar Mujaahid.

Mowlawi Yacquub, wuxuu waraysigan kaga jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xiriira xaaladda Afqaanistaan, sida ay ku suuragshey in dalkaas looga xureeyo ciidamadii Maraykanka ee kusoo duuley, iyo xaaladda gudaha ee Taalibaan.

Ugu horeyntii, waxaa su’aal laga waydiiyay bal sida uu xaalkoodu ahaa ka qoys ahaan 20kii sano ee uu Maraykanku joogay dalka Afqaanistaan iyo in xubnaha qoyska ay waalidkooda la noolaayeen iyo inkale.

Bishii Ogosto ee 2021-da, ayay Imaarada islamiga ah ee Afqaanistaan la wareegtay magaalada Kaabul ee caasimadda dalka, xilligaasna waxay warbaahinta qaar iyo siyaasiyiinta kuwa kamid ah ku taxliiliyeen nasrigaas in Maraykanku awoodda dalka Afqaanistaan uu ku wareejiyay Taalibaan.

Mowlahi Muxamad Yacquub, wasiirka gaashandhiga ee IMaarada islaamiga ah wuxuu tilmaamayaa iney waxba kama jiraan tahay warkaas, Maraykankuna dagaalka kulul ee lagala hortagay awgeed lagu qasbay inuu miiska wadahadalka soo fadhiisto, arimaha ay ku heshiiyeenna aysanba kujirin wax la xiriira mustaqbalka Afqaanistaan.

Halkan ka dhagayso Tarjamada Afsoomaaliga ee Nuxurka Waraysiga Mowlahi Muxamad Yacquub.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.