Inkabadan 1000 Askri oo katirsan Yahuudda Oo Isaga Tagay Shaqada. (Warbixin)
Maamulka Yahuudda waxaa ka dhex taagan buuq iyo jahwareer aad usoo xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, kadib khilaaf soo kala dhexgalay xukuumadda uu hogaamiyo Natanyahu iyo ciidanka maamulkaas, kuwaasoo diidan qorshe uu doonayo Natanyahu inuu meel mariyo.
Xukuumadda Natanyahu ayaa dooneysa in isbedel lagu sameeyo dastuurka gacan ku sameyska ah ee u qoran, kaasoo horseedaya in la dhimo awoodda garsoorka maamulkaas uu u leeyahay inuu kor jogteeyo qaraaraatka maamulka, ama si hufan uu u aqaado haddii ciidamadu dacwad ka yihiin saraakiishooda.
Tallaabadan ay dooneyso xukuumadda Natanyahu waxaa gaashaanka u daruurey noocyada kala duwan ee ciidamada maamulka Yahuudda, waxayna u arkeen iney tahya tallaabo halis gelineyso jiritaankooda iyo habsami socodka shaqadooda, maadaama ay weyn doonaan xuquuq badan oo ay leeyihiin, una suurageleynin iney maxkamadaha Yahuudda ka dacweeyaan saraakiishooda haddii ay khaladaad kula kacaan.
Banaanbaxyo kala duwan ayaa maalmihii tagay ka dhacayay magaalooyinka ay Yahuuddu xooga ku heystaan ee dhulka Filastiin, kuwaasoo ay dhigayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Yahuudda, oo ay hor boodayaan ciidamada iyo mucaaradka.
Halkan ka dhagayo Warbixin burburka ciidamada Yahuudda ku billowday