Ku Dhawaad 10 Askari Oo Burundi Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamaya in xalay qarax culus uu ka dhacay saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Biya-Cadde, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburay hanti.

Ilo wareedjo ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu ka dhacay qeybta keydka hubka ee saldhiggaasi, wuxuuna ka dhashay sida la sheegay hub halkaasi yaallay oo qarxay.

Khasaaraha nafeed ee uu sababay qaraxa ayaa ah dhimashada 8 askari oo Burundi ah iyo dhaawaca 6 kale oo qaar kamid ah ay qabaan dhaawacyo daran, sidoo kale qaybo kamid ah saldhigga ayaa gubtay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska shisheeye ee ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi oo ku aadan waxaa sababay qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.