LAFTAGAREEN: Qofkii Niyada Ka jecel Al-Shabaab Maxkamad ayaa Lasoo Taagayaa!

 

Madaxweynaha maamulka Koonfur Cabdil Casiis Laftagareen oo ka hor hadlayay masuuliyiin katirsan maamulkiisa ayaa ka dhawaajiyay hadalo la yaab leh oo muujinaya sida uu maamulka ugu taag la’yahay xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo maamulka wilaayada islaamiga ah ee Baay.

Lafgareen ayaa sheegay in cid weliba oo tagta deegaannada ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuna soo noqota Baydhabo iyo magaalooyinka la midka ah maxkamad lasoo saari doono.

Wuxuu tilmaamay xitaa iney maxkamad soo taagi doonaan dadka niyada ka jecel Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada ay gacanta ku hayaan maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamada Xabashida ee Itoobiya.

“Cid kasta oo aada deegaannada Al-Shabaab, iyagu ha u yeeraan ama jacayl ha u aado maxkamad ayaa la saarayaa, cid weliba oo warkooda ka beec mushtarta oo niyada ka jecelna maxkamad ayaa la saarayaa” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdil-Casiis Laftagareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney awood u adeegsan maamulidda dadka ku dhaqan Bay iyo Bakool oo uu maamulkiisa deegaanno kamid ah gacanta ku hayo, taasoo ka hor imaaneyso hadalo ay horey u sheegeen masuuliyiin katirsan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo la xiriira in Al-Shabaab ay awood ku maquuniyaan dadka ay maamulaan.

Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay suuragalka ku tahay in maxkamad lasoo saaro cid weliba oo aada deegaannada ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama deegaannada ugu badan ee gobollada Bay iyo Bakool ay ka jiraan maamulo islaami ah, dadka deegaankana ay ka dhexeyso xiriiro qaraabanimo iyo kuwa ganacsi oo qasab ka dhigeysa iney is booqdaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.