Masuul Kasoo Goostay Gobolka Banaadir oo Isku Dhiibay Al-Shabaab.

Abuukar Salaad Maxamuud, wuxuu xil ka hayay maamulka gobolka banaadir, wuxuu ahaa gudoomiyihii arrimaha bulshada ee degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan.

Abuukar ayaa maalintii shalay isku soo dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagoo sheegay in uu dowladda uga baxay markii uu sameeyay baaritaan diineed.

Wuxuu si gaar ah u sheegay in dastuurka DF uu yahay mid barbar yaalla kitaabka iyo sunnada taasna ay ka dhalatay in sharcigii Alle lagu badashay shuruuc iyo qawaaniin kale oo uu aadane sameystay.

Abuukar ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku bixiyay macluumaad badan oo ku saabsan soo goosashadiisa.

Halkan Ka Degso Warbixin Laga Diyaariyay

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.