Maxay Tahay Digniinta Xasan Sheekh La Siiyay Ee Uu U Geli Waayay Jowhar?

Madaxweynaha DF ayaa socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe galinkii dambe ee shalay.

Iyadoo madaxweynuhu uu dhowr jeer sheegay in la isku furay wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar ayuu diyaarad Helocopter ah ka qaatay Muqdisho taasoo ku dajisay garoonka Jowhar.

Markii uu ka degan garoonka ayaa waxaa madaxweynaha la gaarsiiyay digniin sirdoon oo loogu sheegay inuusan galin magaalada kadib markii ay soo baxday cabsi laga qabo suura galnimad in la beegsado.

Xasan Sheekh ayaa ku gaabsaday madaarka wuxuuna u yeertay Cali Guud-Laawe oo uu madaxtooyada kula kulmi lahaa. “Al-Shabaab ayaa looga baqay iney ku sugan yihiin magaalada gudaheeda sidaas ayuu madaxweynaha u gali waayay magaalada” sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal sirdoon oo magaciisa u qariyay sababo ammaan.

Warbaahinta DF ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu Jowhar u gali waayay wadooyinka oo burbursan, waxa la isweydiin karayaa waa maxay wadooyinka burbursan ee uu Xasan mari waayay oo ay dadka kale iyo mas’uuliyiinta kale marayaan!

Ugu dambeyntii madaxweynaha DF ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho waxaana mar kale qaaday diyaaradii khaaska ahayd ee uu soo kireystay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.