Mowjado kuleylo ah oo ku dhuftay Dunida oo Wal-wal laga muujinayo (Warbixin)
Si guud caalamka, waxaa bilihii u dambeeyay aad looga cabanayay mowjado kuleylo ah oo ku dhuftay wadamo dhowr ah, kuwaasoo saameyn xoogan ku yeeshey nolosha aadanaha iyo wax soo saarka beeraha.
Qaar kamid ah wadamada Carabta ayaa hadda waxaa ka taagan kuleyl aad u daran, meelaha qaarna cabirka kuleylka lagu cabiro wuxuu gaaray inkabadan 40darajo boqolkiiba, waxaana ay qeyb ka yihiin mowjado kuleylo ah oo ku dhuftay deegaanno ay kamid yihiin Shiinaha, koonfurta Yurub, Maraykanka iyo meelo lamid ah.
Baariyaasha arimaha deegaanka iyo cimilada waxay isku waafaqsanyihiin in tobanaankii sano ee ugu dambeeyey qarniga 20aad ay si isdaba joog ah u kordhayeen kuleylaha ka jira adduunka, kuwaasoo si xiriir ah u jira todobaadyo iyo xitaa bilooyin.
Hay’ad dowli ah oo lagu magacaabo IPCC, kana faalloota arimaha cimilada ayaa baaritaan ay soo saartey waxay ku sheegtay in la filayo in kuleylaha ku dhuftey adduunka uu sii jiro, bal uu sii xoogeysto sanadaha soo socda, xitaa haddii shirkadaha adduunka ay hoos u dhigaan uumi baxa ay sameeyaan warshadaha noocyadooda kala duwan, kuwaasoo loo aaneeyo iney sabab u yihiin kuleylka ku dhuftay caalamka, sida ay ku doodayaan khubarada maaddiga ah.
Marka laga hadlo caalamka Carabta, kama foga iyaguna saameyntaas ay hay’addu sheegeyso, koox lagu magacaabo PLOS ONE ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in la filayo in mandiqadda carbeed ee bariga dhexe iyo wuqooyiga Afrika ay kuleyluhu ku kordhaan 4 illaa 7 boqolkiiba, inta lagu guda jiro qarniga 21aad.
Halkan ka dhagayso Warbixin Saameynta Kuleylaha ee Wax soo saarka