Sawirro: Muslimiin Careysan oo Dab Qabadsiiyay Safaaradda Sweden Ee Ciraaq.

Muslimiin badan oo aad u careysan ayaa maanta hujuumay safaaradda ay dowladda Sweden ku leedahay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Dadka oo ku dhawaaqaya halkudhegyo diini ah iyo kuwa ay uga soo hor jeedaan wadamada reergalbeedka oo caadeystay xadgudubka diinta islaamka ayaa isku hareereeyay safaaradda.

Waxay dabqabadsiiyeen safaaradda iyagoo adeegsanaya taayarro iyo walxo kale. Waxaa la arkayay dadweynaha oo saaran darbiyada safaaradda islamarkaana gudaha u galay.

Ciidamada Boliska ayaa ka hortagay dibad baxayaasha si aysan safaaradda ula wareegin, waxaana ay u isticmaalayeen sun iyo xabado gaag ah.

Maamulka Baqdaad ayaa cambaareeyay falka dabka lagu qabadsiiyay safaaradda, wuxuuna sheegay in ay nabad qabaan shaqaalaha safaaradda iyo muwaadiniinta Iswiidhishka ah.

Dadka muslimiinta ayaa aad uga carooday falal gurracan oo dhawaan ka dhacay wadanka Seweden halkaasoo uu nin gaal ahi ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, kaasoo ay dowladduna waardiye ka qabatay.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Xarakada Al-Shabaab baahisay bayaan ay arrintaas uga hadleyso islamarkaana dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalalka reergalbeedka ku boorrineyso iney sameeyaan weerarro aargudasho ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.