Muuse Biixi Muxuu ka yiri Malleeshiyaadka Isku uruursaday Gacan-Libaax?
Madaxweynaha maamulka Soomaali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamo is abaabuley oo saldhig ka dhigtay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Boorame.
Isagoo ka hadlayay goob lagu soo bandhigayay buug laga qorey taariikhda madaxweynihii hore ee maamulka Soomaali-land Axmad Siilaanyo ayuu Biixi sheegay in ciidamada isku uruursaday Gacan Libaax aaney ahayn qaabka ay warbaahintu u dhigayaan.
Wuxuu tilmaamay inuusan jirin doonin wax dagaallo ah oo dhexmari doono ciidankiisa iyo kooxda saldhigatay buurta Gacan-Libaax.
Muuqaallo ay baraha bulshada ku baahiyeen kooxda saldhigatay buurta Gacan-libaax waxay ku sheegeen iney la dagaallami doonaan Muuse Biixi iyo ciidankiisa, haddii ay doorashada ku dhici weyso waqtigeeda rasmiga ah.