Sawirro: Ciidanka Itoobiya oo Shacab Ku Dilay Dibadbax Ka Dhacay Qalaafe.
Ciidanka Itoobiya gaar ahaan kuwa Liyu Boolis ayaa dad shacab ah ku dilay kuna dhaawacay magaalada Khallaafe ee WabiShabelle oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida.
Bulsahda magaalada ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan ciidamo Liyu boolis ah oo magaalada yimid, maadaama ay garanayaan dhaqankooda arxan darrada ah.
Liyu booliska ayaa dadkii dibadbaxayay ku ridayay rasaas iyadoo bulshaduna ay sida reer Falastiin isticmaalayeen dhagxaan.
Itoobiyaanka ayaa dilay 1 qof oo shacab ah iyagoo dhaawacay qof kale. Ninka ay dileen ayaa ah qof da’da kontonaad ku jira, halka ay dhaawaceen wiil dhallinyaro ah.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa dhulka Soomaaligalbeed kusoo labakacleynayay gumaadka ay geysanayaan ciidamada Itoobiya.