VIDEO+Dhagayso: Al-Shabaab oo ka hadlay khasaaraha ciidamada Itoobiya ee Kamiinkii Waajid.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay sawirro laga soo qaaday kamiinkii maanta ka dhacay meel u dhow magaalada Waajid, una dhexeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha, kaasoo loo dhigay ciidamo Itoobiyaan ah.
Waxaa la arkayaa meydadka ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hub iyo rasaas laga furtey ciidamada Itoobiyaanka ee weerarka kamiinka ah lagu dilay.
Dhanka kale Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bakool Sheekh Cuthmaan Abuu Cabdi-raxmaan ayaa waraysi uu siiyay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab, waxaa uu kaga hadlay khasaaraha ciidamada Itoobiya.
Halkaan ka dhageyso wareysiga Waaliga Bakool.
Halkan ka daawo Muuqaal uu Channelka Al-Kataa’ib kasoo saaray kamiinka Waajid.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA KAMIINKA.