SAWIRRO: Xaflad loo dhigay Ardey dhameysay Machadka Sare ee Al-Utrujjah.
Mu’assasada Al-Utrujjah ee diraasaatka Islaamiga ah faraceeda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sagootisay 18 gabdhood oo ka aflxay machadka sare ee mu’assasada.
Gabdhan da’da yar ee xafladda loo dhigay ayaa wax baranayay 5 sano oo xiriir ah, waxaana hadda mustawo ahaan ay joogaan heer ay ku biiri karaan jaamacadaha islaamiga ah.
Xafladda oo ahayd mid heersare ah waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, waalidiin, macallimiin, culimo iyo aqoonyahanno, waxaana shahaadooyin iyo abaalmarinno qaali ah lagu gudoonsiiyay ardeyda aflaxday.