Sidee buu Maraykanku u Lumiyay Bariga Dhexe?. [Warbixin ku saabsan Buug Cusub]

 

Waa cover-ka buuga cusub ee uu qorey Steven Simon.

Buug cuusb oo uu qoray nin lagu magacaabo Steven Simon., 40kii sano ee lasoo dhaafeyna kamid ahaa siyaasiyiinta jaan gooya go’aannada Maraykanka ayuu kusoo bandhigay faragelinta 8 madaxweyne oo soo maray dalkaas ay ku sameeyeen mandiqadda loogu yeero bariga dhexe iyo nihaayada qaraar ee ay kusoo dhamaatay.

Buugan oo ciwaan looga dhigay “ Wahmigii weynaa: sarakaca iyo gebi dhacleynta damacii Maraykanka ee bariga dhexe” ayuu qoraagu kusoo sardiyay faragelinnada qaawan ee milltieri ee uu Maraykanku 40 kii sano ee lasoo dhaafay ku sameeyay wadamada caalamka Islaamka gaar ahaan kuwa carabta.

Simon wuxuu buuga uga hadlayaa wahmiga weyn, dawaaficda gadaal ka riixeysay, istiraatiijiyaadka iyo dhinacyada gaabiska ee la xiriira arimaha bariga dhexe, 8 maamul oo soo maray Maraykanka, isagoo kasoo billaabay madaxweyne Jemmy Carter, kuna soo afjray madaxweynaha xilligan talada haya ee Joe Biden.

Isagoo soo gudbinayay shabkado dhacdooyin ah, wuxuu Simon soo bandhigayaa sida loo maamulo camaliyadda qaadashada go’aannada la xiriira bariga dhexe, kuwaasoo lagu gorfeeyo magaalada Washington, una soo gudbin ra’yu caamka guud ee Ameerikaanka, sababo ku aadan amniga, xaasaabaadka siyaasi iyo kuwa xisbi eek u geedaman qadiyadaas.

Marka laga hadlayo qaababka uu u dhacdooyinka isugu xirayo, wuxuu qoraaga buugan looga hadlaya sida uu Maraykanku u lumiyay mandiqadda bariga dhexe, uu soo bandhigayaa sida go’aanno badan oo taariikhi ah oo la xiriira mandiqadan ay u ahaayeen kuwa isdabayaala, oo aanu qaadan keliya maamulka markaas talada haya.

Halkan ka dhagayso Warbixin Sidee buu Maraykanku u lumiyay bariga dhexe?

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.