Taliyaha Ciidamada Asluubta Oo Sheegay in Cadaalad darro ka jirto Xabsiga Dhexe.

 

Mahad Cabdi-Raxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub ahna taliyaha ciidamada Ilaada Xabsiyada  ayaa ka marqaati kacay in wax cadaalad ah aaney ku dhaqmin Dowladda federaalka ee uu isagu katirsan yahay.

Wuxuu sheegay in xabsiyada ay Dowladda federaalka maamusho ku xiranyihiin dad aan wax dembi ah lahayn, ama aaney jirin cadeymo lagu hayo, sidaasoo ay tahayna inkabadan 10 sano la isaga hayo Xabsiyada.

Wuxuu sheegay in guud ahaan hay’adaha Dowladda federaalka aaney jirin wax cadalaad ah oo ay ku dhaqmaan, keliyana ay afka ka sheegtaan iney cadaalad yihiin, Xabsiga dhexe ayuuna sheegay in laga soo helayo maxaabiis xiran 10 sano oo aan wax dembi ah lahayn.

Booliiska, Xeer ilaalinta iyo wasaaradda Amniga oo ay hoostagto hay’adda Sirdoonka Dowladda federaalka ayuu ugu baaqay iney arinta cadaaladda darada ah wax ka bedelaan.

Marar badan waxaa warbaahinta kasoo muuqda shakhsiyaad sheeganaya iney katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab, marka dib loo raacana waxaa soo baxda inaaney kamid ahayn Al-Shabaab, balse tacdiib iyo jirdil loo geystey darteed loogu qasbay iney qirtaan waxaaney iyagu sameynin, taasoo Sirdoonka Dowladda federaalka ku qariyo fashilkiisa xaga amniga ah.

Waxaa ugu dambeysay wiil dhalinyaro ah oo dhimirka looga jirey, kaasoo 8 bilood ay hay’adda Sirdoonka Dowladda federaaka ku tacdiibineysay xabsiyada ay ku leedahay magaalada Muqdisho, markii dambena waxaa xogtiisa warbaahinta la wadaagay wariye Cabdalla Muumin oo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.