Tirakoobka Khasaaraha Dagaalka Suudaan ee 100 Maalmood Jirsaday. [WARBIXIN].
Dagaalka Suudaan ee dhexmaraya milliteriga wadanka iyo kooxda faragelinta deg-dega ah ee uu hogaamiyo Xamiidti ayaa soo billowday 15-kii April ee sanadkan, waxaana hadda uu dagaalku sii galay bishii afaraad, isagoo socda inkabadan 100 maalmood oo xiriir ah.
Marka laga hadlayo tirakoobka guud ee khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalladan ka dhashey ayaa waxaa warbixinnada soo baxaya ay tilmaamayaan in shacabka ay yihiin kuwa ugu badan ee ay waxyeelladu gaareyso.
Hay’ad aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Akliid ayaa tirokoob ay soo saartey waxay ku sheegtay in dagaalka ka socda Suudaan inkabadan 100 maalmood ay ku dhinteen 3900 oo qof, laakiin xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha gurmadka deg dega ah ayaa rumeysan in tirada dhimashada ay aad uga badantahay inta haatan la sheegay.
Caruurta ayaa kaalmaha hore kaga jira kuwa ugu badan ee ku le’anaya dagaallada, 4 bilood uu dagaalku ka socdo magaalada Al-Khardhuum iyo gobolka Daarfoor waxaa la diiwaan geliyay dhimashada 435 caruur ah iyo dhaawaca 2025. Hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaana sheegtay in saacadiiba dalka Suudaan dhibaato loogu geysto hal canug.
Warbixin_Tirakoobka_khasaaraha_dagaalka_100_maalmood_jirsaday_ee