Tirakoobka Khasaariha Dabkii Suuqa Jigjiga oo Xisaabta Itoobiya Lagu Soo Gudbiyay!!.
Gudi loo xilsaaray iney soo tirakoobaan khsaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa magaalada Jigjiga ayaa soo saaray warbixin ku socota dadka Soomaaliyeed si ay ugu gurmadaan walaalahood.
Waxaase la yaab leh in qiimeynta khasaaraha aan lagu sheegin lacagta Soomaaliga ama mid ay dadku garan karaan sida doolarka Mareykanka oo hadda adduunka ugu caansan, balse waxaa lagu soo gudbiyay lacagta Itoobiya!
Gudoga ayaa sheegay in ay suuqa Jigjiga ku baaba’day lacag gaareysa 1 Bilyan iyo 536 Milyan oo Birrta Itoobiya ah. Dadka Soomaaliyeed intooda badan ma garanayaan lacagta Itoobiya, mana suureysan karaan qiime ahaan waxa uu tirakoobkaasi ka yahay lacagta shilinka Soomaaliga ama kuwa qalaad ee aadka loo yaqaano.
Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulsahda ayaa ka falceliyay habka ay tirakoobka usoo gudbiyeen gudiga, waxaana ay qaarkood ku taliyeen in aan suuqa laga dhigin mid Xabashi ka gubtay oo Soomaalida qaaraan looga uruurinayo.
Haruuse: “runtii aan baad ula yaabay markaan arkay sheekadaan, aniga aad ayaan uga naxsanaa suuqa Jigjiga musiibadii ku dhacday, markaan arkay qoraal la leeyahay waa lasoo tirakoobay lacagta waan daneynayay si aan u ogaado khasaaraha gaaray dadkeyga, wixii aan ka geysan karana aan ka geysto, waxaanse arkay wax aan fahmi karin, tirakoobkiina waxaa lagu soo jaan gooyay lacagta BIRTA ee Itoobiya, waa yaabee ma shacabka Itoobiyaa gurmad laga rabaa mise shacab Soomaaliyeed” ayuu yiri ninkaas.
Maryan Daahir: “Alla ayaan hore afsoomaaliyey kusoo gudbinaayeen tirakoobka hordhaca ah, hadda ma Abiy ayaa lasoo hadlay oo yiri, birta Itoobiya haloo badalo lacagta, wallee qaa kasta ayaa Itoobiyaannimada naloogu celcelinayaa, reer Jigjiga iska dulqaado nimanka dhaqankiina ku ciyaaraya” ayay tiri.
Cabdi Nuur: “Wax laga xumaado weeye, anigu walaahi inaanan fahmin inta ay la egtahay lacagta iyo hantida ka burburtay walaalahay, maxaa naga galay birta Itoobiya, gudiga waxaan leeyahay dib isugu laabta oo Soomaalida usoo gudbiya xisaab ay fahmi karaan, iska daaya dabadhilifnimada, lama siyaasadeeyo arrimahan oo kale, waa in dadka Soomaaliyeed dhaqaale ku tabarucaan, saas waa inaad fahantaan” ayuu isna yiri.
Si kastaba ha ahaatee suuqa magaalada Jigjiga ayaa gabi ahaanba bas beelay. Ibraahim Dheere oo kamid ah xisbiyada Xabashida ka hoos shaqeeya ayaa dhawaan magaalada Nariobi ka sheegay in dadka Soomaaliyeed ayaan dhulkaas looga oggoleyn in qofku yeesho lacag ka badan 5 kun oo doolar, hantida dhawaan gubatayna ay tahay wixii ay heysteen ummadda ku nool dhulka Hawd iyo Galbeed.