Toogasho Ka Dhacay Mareykanka, & In Ka Badan 10 Ruux Oo Kuleyl Ugu Geeriyooday Dalkaas.
Boliska dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday dilka iyo dhaawaca ugu yaraan 6 ruux oo American ah, kadib markii weerar toogasho ah uu ka dhacay mid kamid ah goballada ku yaalla dalka Mareykanka.
Weerarkaan ayay bolisku sheegeen inuu si gaar ah kaga dhacay Magaalada Philadelphia, oo ah magaalada ugu weyn gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, kadib markii nin hubeysan uu si aan kala sooc lahayn ugu toogtay waddooyinka magaalada tiro dad ah oo halkaasi ku sugnaa.
Fuliyaha weerarka waxa uu ku labisnaa dharka xabadda lagaga gaashaanto, waxa uuna toogashadiisa ka billaabay xaafad dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada, saraakiil katirsan boliska Mareykanka ayaa eryaday ninkaan, balse rasaasta ma uusan joojin, illaa ugu dambeyn ay suuragashay in gacanta lagu soo dhigo, kadib markii uu isku soo dhiibay ciidamad, sida ay sheegeen boliska Mareykanka.
Boliska xukuumadda Washington ayaa ku wareersan qaabka uu u dhacay weerarkaan, iyo colaadda ka dhaxeysay dadka la beegsaday iyo ninka weerarka geystay, maadaama qaar kamid ah dadka weerarka lagu qaaday ay iyaguna ku labisnaayeen dharka xabadda lagaga gaashaanto.
Marka laga yimaado ruuxa weerarka fuliyay oo 40 jir ah, kaas oo ay bolisku xireen, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay ruux labaad, oo isana lagu eedeeyay inuu rasaas jawaab celin ah ku furay ninka weerarka soo qaaday, kaas oo ay bolisku gacanta ku hayaan.
Isla wararka Mareykanka ayaan ku guda jirnaaye, in ka badan 10 ruux ayaa ku dhintay, duufaanno xooggan oo ku dhiftay qeybo kamid ah dalka Mareykanka.
13 Ruux ayaa la xaqijiiyay iney ku dhinteen, duufaanno culus oo 2-dii isbuuc ee lasoo dhaafay ku dhiftay goballo katirsan dalka Mareykanka, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa iyadoo cimillada dalkaas ay sii xumaanayaan, wixii ka dambeeyeen dabkii xoogganaa ee ka kacay keymaha ku yaalla dalka Canada oo daris la ah Mareykanka, sida ay shaaciyeen maxada maxalliga ah.
Sidoo kale mowjado kuleylo ah ayaa laga soo sheegayaa goballo ku yaalla koonfurta dalka Mareykanka, si gaar ah goballada Texas iyo Luwizyana, halkaas oo xilliyada qaar uu heer kulku ka saramarayo 40 darajo, kaas oo keenaya kuleylka daran ee ka jira Mandiqadda.
“10 Kamid ah dadka degaanka ayaa u dhintay kuleyk dartiis” ayuu yiri Afhayeen u hadlay degmada Webb oo katirsan gobalka Texas, isagoo intaa ku daray, in qof kale oo ku noolaa degaan u dhaw degmada uu sidoo kale geeriyooday, kadib markii loo qaaday mid kamid ah isbitaallada ku yaalla gobalka.
Isbuucii lasoo dhaafay wiil dhalinyaro ah ayaa miyir daboolmay, kadibna geeriyooday, intii uu ku guda jiray safar uu ku tagayay beer ku taalla Mandiqadda, halkaas oo heer kulka lagu soo waramayo inuu ka sara maray 48 darajo.
Dalka Maxsico oo daris la’ah Mareykanka ayaa isana lasoo warinayaa iney kuleyl dartiis ugu dhinteen 104 ruux, kadib markii mowjado kuleylo ah laga soo calaamadeeyay saxaraha woqooyi ee dalkaas iyo magaalada caasimadda ah.