Wadamada Wuqooyiga Afrika iyo Saaxilka Oo noqday Fagaarayaal Tijaabo. [TAQRIIR]
Warbixin lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Middle East Aye ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay sida midowga Yurub uu dalalka wuqooyiga Afrika iyo mandiqadda Saaxilka dhaca uga dhigtay ilo dibadeed uu ku tijaabiyo tayada qalabyada loo adeegsado muraaqabada iyo dabogalka, iyadoo aan la eegeynin daah-furnaan iyo nidaam iyo sidoo kale saameynta qalabyadaas ay ku leeyihiin xuquuqda Aadanaha.
Warbixinta oo soo xiganeysa taqaariir labo ah oo dhawaan soo baxay ayaa tilmaameysa sida uu Midowga Yurub ugu maalgeliyo dowladaha wuqooyiga Afrika iyo mandiqadda Saaxilka qalabyada loo adeegado dabogalka iyo ilaalada, isagoo ku tabbaraya dowladahan sida loo isticmaalo qalabyadan, si dowladahan ay ugu adeegsadaan ilaalinta iyo dabogalka shucuubtooda.
Qalabaydan waxaa sidoo kale loo adeegsadaa, sida ay tilmaameyso warbixinta uu daabacay wargeyska Middle East Aye in lagu dabogalo dadka ku nool dalal ka baxsan midowga Yurub ee soo gudbineyso codsiyo magangalyo siyaasadeed, iyadoo ugu dambeyntiina qalabaydan loo isticmaalayo qiimeynta codsiyada magan-galyo doonka ah.
Halkan ka dhagayso Warbixin-Wuqooyiga-Afrika-oo-noqday-fagaare-tijaabo.mp3