Warbaahinta Afrika oo ka hadlaya Howlgallada Xarakada Al-Shabaab ee NFD.
Deegaannada fog fog ee baadiyaha gobolka NFD ee ay Kenyaatigu ula baxeen wuqooyi bari Kenya ayaa waxaa ka taagan xaalad cakiran iyo qalqal xoogan soo wajahay saraakiisha dowladda Kenya, dadka Nasaarada ah iyo xubnaha Soomaalida ah ee katirsan xukuumadda Nairoobi.
Muxalliliin Kenyaati ah oo la hadlay warbaahinta Tybe Times ayaa tilmaamaya in miinooyinka lagu aaso hareeraha wadooyinka iyo howlgallada madax goynta ah ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay dhulka NFD, Kana dhasheen dhimashada 20 ruux ay u muuqato qeyb kamid ah kordhin qalqal badan oo ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku doonayaan iney isugu ballaariyaan gobolka NFD.
Kenya oo ah awood dhaqaale marka laga hadlayo wadamada dhaca bariga Afrika, soona jiidata dalxiisayal badan oo reer galbeed ah, ayaa horey ula kulantay silsilado weeraro waaweyn oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana weerarkii 2019-ka ka dhacay dhismayaasha isku raranka ah ee 14Reverside ee magaalada Nairoobi uu ahaa weerarkii ugu dambeeyay oo ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada caasimadda ah, kaasoo lagu dilay tobanaan ruux oo isuga jira reer galbeed iyo Kenyaati.
Warbixinta website-ka Type times daabacay waxaa lagu sheegay in hadda ay aad u muuqato in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, xilli lagu fashilmey howlgalladii Al-Shabaab ka dhanka ahaa ee looga dhawaaqay Soomaaliya, waxaana muuqata in Al-Shabaab dooneyso in hadal heynta ay usoo weeciso xaga Kenya, sida ay warbixintu ku doodeyso.
Halkan ka dhagayso Warbixin-kororka-howlgallada-Mujaahidiinta-ee-NFD