Warsaxaafadeed: Al-Shabaab oo Faahfaahiyay Weerarka Warguduudo Ee Mandheera.
Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga warbixiyeen weerar xalay saqdhexe ay ciidamadoodu cagta ku mariyeen xero ay askarta Kenya ku lahaayeen degaanka Warguduudo ee Mandhera iyo duqeyn ay u geysteen Ceel-qaalow halkaasoo looga soo gurman lahaa xerada la burburiyay.
Waxaa bayaanka lagu sheegay in khasaare adag la gaarsiiyay ciidanka Kenya lagana soo furtay saanad milatari.