Weerar Kenya Askar Looga Dilay Gaarina Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Gaarisa.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar dhabba-gal ah la beegsadeen kolanyo ciidanka Kenya ah oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolka Gaarisa ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD.
Kolanyada ciidan ayaa mar qura waxay la kulantay rasaas xooggan iyo qaraxyo xili ay marayeen inta u dhexeysa degaannada Calin-jugur iyo Wel-mareer ee hoostaga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa.
Qarax culus ayaa haleelay gaariga Kooyal ah oo ay la socdeen ciidamo badan oo Kenyaati ah waxaana halkaasi ku basbeelay gaarigii iyo dhaman wixii saarnaa.
Sido kale Mujaahidiinta ayaa garneelada garbaha laga rido waxay la heleen gaari Booyad ah oo Kolonyada qeyb ka ahaa, waxyeelo xooggan ayaana soo gaartay.
Dowladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay weerarada is daba jooga ah ee Xarakada Al-Shabaab oo dhanka ah ciidamadeeda xoogga ku haysta dhulalka dadka muslimiinta ah.Weerarkaan ayaana qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo galaaftay nolosha saraakiil iyo ciidan badan oo Kenyaati ah kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobollada Gaarisa, Mandheera iyo Laamuu.