Video: Xamsa oo Sheegay Inuu Ka Hurdi Waayay Hawlgallada Al-Shabaab Ee Xamar.
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa qiray in ciidamada sida gaarka u tababaran ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii laba jibaareen hawlgalladooda magaalada caasimadda.
Isagoo u khudbeynayay xubno ka tirsan dowladda ayaa waxa uu sheegay in subax walba loo soo gudbiyo warbixin ka timid booliska, kana warramaysa xalay iyo wixii ka dhacay Xamar.
Wuxuu tilmaamay in uu warbixinadaas a ogaaday kororka weerarka, wuxuu tusaale usoo qaatay in muddo sadax cisho ah Muqdisho lagu khaarajiyay in ka badan 20 xubnood oo DF ka tirsan.
Taas waxaa uga daran sida uu sheegay in uu warbixinta ka daalacday in ay baxsadeen dhammaan raggii hawlgallada fuliyay, balse meydadka loo qaaday xarunta CID, lana baarayo.
Xamsa wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay midda uu habeen dhan ka gam’i waayay oo hurdadii uga haaday, wuxuuna tibaaxay in ay kordhiyeen ciidamada ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Inkastoo DF ay Muqdisho keentay ciidan milatari ah oo Uganda lagu soo tababaray, haddana wali ammaanku ma sugna oo waxaa joogto u dhaca weerarada lagu ugaarsanayo xubnaheeda.
Muuqaal cusub uu dhawaan soo saaray kanaalka wararka ee Al-kata’ib waxaa lagu soo bandhigay dagaal maalin cad iyo xilli habeen ah labaduba ka dhacay magaalada Muqdisho oo hub looga soo furtay ciidamada DF.
Isku soo wada duuboo hadalka kasoo yeeray Ra’iisulwasaaraha DF ayaa niyad jab weyn ku ah ciidamada DF ee loogu talagalay in ay sugaan ammaanka dowladda marka la joogo Muqdisho, dhanka kale wuxuu ciidamada gaarka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u cadeynayaa, sida hawlgalladooda looga cabanayo.
Waxaan aragnaa waxa dalka kasocda. Ninka raysu wasaaraha sheegta waa xumbo gaaladu wadato.
Waa faasiq muslin sheegta likin iimaan Kuma sheegi Karo.
Dalka raggii lahaa buu ka seexan waayey ee rumeeyey kitaabka. Asaga iyo xasan sheekh waxaa meesha kuhaya waa ugandha, oo lacag uu dalka kalabaxay kaqaadata maraykan.
Xaqqa ayaad uleedihiin in dalkiina aad ka ceshataan ajaanibta iyo kuwo ay ku qabsanayaan dhaqaalihiina.