Xiisad Ganacsi oo ka dhex taagan Kenya iyo Uganda. [DHAGAYSO WARBIXIN]
23-kii June ee sanadkan, waxay shirkadda farsameysa caanaha lagana leeyahay dalka Uganda ee lagu magacaabo Boroxide ay dalalkooda dib ugu celisay ugu yaraan 200 oo qof oo horey uga mid ahaa shaqaalaheeda, iyadoo go’aankaas sabab ugu dhigtay in shirkaddu ay 75% hoos u dhigi doonto wax soo saarkeeda caanaha, maadaama caanihii ay soo saareysay aaney u dhoofin Kenya tan iyo bishii Marso, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska East African.
Dalka Kenya ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid kamid ah suuqyada waaweyn ee ay Uganda usoo iib geyso wax soo saarkeeda, gaar ahaan caanaha, waxaana tan iyo markii uu dalka la wareegay William Ruto ay dowladda Kenya diiday dalabaad kabadan 100 oo ay soo gudbisteen shirkadaha caanaha farsameeya ee dalka Uganda, kuwaasoo codsanayay in loo ogolaado in wax soo saarkooda ay usoo dhoofiyaan Nairoobi.
Go’aanka ay dowladda Kenya ku diiday in dalkeeda loo soo iib geeyo caanaha la qalijiyay ee ay farsameeyso shirkada Boroxide ayaa warbixintu waxay tilmaameysaa iney salka ku heyso is bursiga ka dhexeeya madaxweynaha Kenya Ruto iyo ninkii xilkan uga horeeyay ee Uhuru Kenyata, maadaama qoyska Uhuru ay saami ku leeyihiin shirkadda Boroxide ee fadhigeedu yahay dalka Uganda, farsameysana caanaha ay Soomaalidu u taqaano caano booraha.
Shirkadda Boroxide waxay hadda qarka u saarantahay burbur dhaqaale, iyadoo albaabada isugu laabtey beero badan oo lagu quudin jirey lo’da laga soo liso caanaha ay shirkaddu farsameyso, halka shaqada laga joojiyay boqollaal ruux oo shirkadda ka howlgalayay sanadihii lasoo dhaafay.
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa dhawaan wuxuu dalka Aljeeriya kala hadlay sidii ay u qaabi lahaayeen wax soo saarka caanaha ee dalka Uganda, waxaana muuqata in isku daygaas uu fashilmey, markale ayuuna dalka Sinigaal ka codsaday in fursad lasiiyo caanaha ka yimaada Uganda, laakiin madaxweynaha Sinigaal oo booqasho ku joogay Kampla ayaa tilmaamay in caano badan ay kasoo dhoofsadaan New Zealnd iyo dalal kale, inkastoo aanu toos u diidin dalabka uga yimid dhigiisa Uganda, hadana wuxuu sheegay in dalkiisa uu isku dayi doono in Uganda uu caano ka iibsado, arintaas ayaana rajo aan buurneyn gelisay dadka ka shaqeeya farsameynta caanaha.
Halkan ka dhagayso Warbixin-burburka-shirkadaha-Caanaha-ee-Uganda