Xildhibaan DF Ugu Baaqay In Askarta Dhaawacyadoodu Halista Yihiin Dibadda U Qaado.
Askartii Ku Dhaawacantay Qarihii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo Laga Deyriyay Xaalkooda.
24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa aad isku soo tarayay xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta DF ee ka hadlaya weerarkii nafhurnimada ahaa ee ka dhacay Kuliyaddii Jaalle Siyaad, kadib muddo 16 saacadood ah oo ay ka aamusnaayeen, markii la qarin waayay khasaaraha.
Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ah Baarlamaanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo xaaladoodu halis tahay oo ay soo shaacin doonaan dhaqaatiirta kuwaasoo aan dalka wax looga qaban karin, una baahan in dibadda loo qaado.
“Waxaa kaloo aan farriin u fareynaa xukuumadda waxaa jira dhaawacyo ay suurta gal tahay inaan wadanka wax looga qaban karin in iyagana sidii dibadda loo geyn lahaa aad looga dadaalo” sidaasi waxaa yiri xildhibaan Carab.
DF ayaa sheegtay in ay xirxirtay saraakiishii ka hawlgalayay kuliyadda Jaalle Siyaad maadaama ay ku dhinteen ciidan badan, waxaana ay dadka qaar sheegayaan in xarigga saraakiisha uu u muuqdo mid lagu dajinayo carada xildhibaano iyo odayaal u doodaya askartaas, kuna eedeynaya dowladda iney dayacday.