Xildhibaan Ka Tirsan DF oo Ku Geeriyooday Nairobi.
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa ahaa xildhibaanka 269aad kaasoo lasoo warinayo inuu xanuun u geeriyooday.
Inkastoo aan la faahfaahin xanuunkiisa, haddana waxaa ka tacsiyeeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe.
Wuxuu kamid ahaa xildhibaanada gobolada Waqooyi ka yimid ee doorashada loogu sameeyay iskoolla boliisiya. Ma ahan xildhibaankii ugu horreeyay ee xanuun u geeriyooda muddada uu joogo Xasan Sheekh.