17 jir Ku Dhintay Barkad Biyo Magaalada Hargeysa.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyigalbeed ayaa sheegaya in wiil dhallinyaro ah uu ku dhintay meel barkad ah oo ay biyuhu galaan kuna taalla duleedka magaalada.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in 17 jirkan uu u muuqdo mid muddo dhowr maalmood ah ku jiray goobta, walow aan la kala caddeyn in lagu riday iyo in isagoo ku dabaalanaya uu ku haftay biyaha.
Kooxo gurmad ah oo goobta gaaray ayaa soo saaray meydka kaasoo saacadihii lasoo dhaafay la baadi-goobayay eheladiisa. Barkadda biyuhu ku jiraan ayaa ah mid baaxaddeedu aad u weyn tahay oo ay sameysteen dadweynaha, tasoo ay xilliyada abaaruhu ka waraabaan xoolahooda.
Gobolada Waqooyigalbeed iyo Waqooyibari waxaa ku badan barkadaha noocan ah iyo balliyada, waxaana sannad walba celcelis ahaan ku geeriyooda 10 caruur ah, waxaana ugu wacan baa la leeyahay wacyi gelinta oo yar.