59 Askari oo DF Looga Dilay Duleedka Ceelbuur.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar nafhurnimo ah oo ka dhacay duleedka degmada ceelbuur ee gobolka Galgaduud kaasoo ay XSHM kula beegsatay askar ka tirsan kuwa Danab ee Mareykanka hoos taga iyo qaar la socda oo DF ka tirsan.

Qaraxa oo ahaa mid culus lagana maqlay degaano badan ee daris la ah Ceelbuur ayaa waxaa ku nafwaayay 59 isugu jirta ciidamo iyo saraakiil, sidoo kale waxaa ku burburay gaadiid dagaal.

Dhacdada kadib waxaa ciidankaas usoo degay 3 diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah kuwaasoo muddo ku hawlanaa daabulitaanka meydadka iyo dhaawacyada.

Bil ka hor ayay ahayd markii weerar noocan oo kale ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan Danab oo kasoo baxay Afmadow xilli ay marayeen degaan hoos taga degmada Afmadow ee wilaayada Jubbooyinka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.