Safiirkii Uganda Ee Iiraan oo Geeriyooday.

Danjirahan oo ahaa nin da’ ah ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda, Okello Oryem, wuxuuna xaqiijiyay in Maxamed Tezikuba Kisambira uu kamiistii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Tahran ee caasimadda dalka Iiraan.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta geerida danjirahan walow ay warbaahinta Uganda shaacisay inuu muddo xanuunsanayay.

Xumuukadda Kambala waxay sheegtay in meydka danjirahaas dib loogu soo celinayo wadanka si loo aaso.

Sannadkii 2020 ayay ahayd markii uu madaxweynaha Uganda ninkan geeriyooday u magacaabay safiirkiisa u fadhiya wadanka Iiraan.

Madaxda wadanka Uganda iyo dowladda Iiraan ayaa ka wada tacsiyeeyay geerida safiirkan. Uganda ayaa kamid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.