Agaasimihii Madaxtooyada Xasan Sheekh oo Iscasilay.
Agaasimihii madaxtooyada Muqdisho ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay isgaoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta uu uga tagayo xilkaas.
Ninkan ayaa kamid ahaa saaxiibada dhow ee Xasan Sheekh, wuxuu wax kusoo bartay xarun uu lahaa Xasan Sheekh siyaasaddana isaga ayaa kusoo daray.
Dadka qaar waxay sheegayaan inuu isku casilay khilaaf hoosaadyo soo dhex galay madaxda DF gudahooda, halka siyaasiyiin kale ay sheegayaan inuu doonayo inuu isku sharaxo hogaamiyaha maamulka Koofurgalbeed.
Dhowr bilood ka hor waxaa is casilay safiirkii DF u fadhiyay dalka Sucuudiga isagoo ka cabanaya gabar uu dhalay Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha DF.