Dhageyso: Alshabaab maxay ka yiraahdeen Weerarkii Cuslaa ee xalay ka dhacay Muqdisho.
Goor dhaw baraha taageera Xarakada Alshabaab waxaa lagu baahiyay war saxaafadeed kasoo baxay xarakada shabaabul mujaahidiin kaasi oo lagu faafaahiyay dagaal culus oo xalay ka dhacay saldhiga degmada kaxda ee Muqdisho.
“Ciidamada mujaahidiintu waxay xalay saqdii dhexe weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhiga
ciidamada ridada ah ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Weerarka oo dhacay
saacadu markii ay ahayd 01:50am ayaa ku billawday camaliyad istish-haadi ah oo lala beegsaday
saldhigga, kadibna waxaa xigay ciidamada Mujaahidiinta oo dhawr jiho ka weeraray cadawgii
halkaas ku sugnaa.” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Dagaal muddo kooban socday kadib, ciidamada Mujaahidiinta waxaa u
suurtagashay inay -Allaah fadligiis- jebiyaan murtadiinta, si buuxdana gacanta ugu dhigaan saldhiga
degmada”ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay xarakada Alshabaab.
Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerareen fariisimayaasha ciidamada ee deegaanada
Arbacow, buurta Cali Jannaale iyo Jaziira, waxay sidoo kale kamiin u dhigeen ciidamo kasoo gurmaday dhanka degmada Dharkeenley.
Weeraro kale oo barbar socday weerarka lagu ekeeyey saldhigga degmada Kaxda ayay
Mujaahidiintu la beegsadeen xeryo ciidan oo ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo
Wardhiigleey, gaar ahaan agagaarka xerada Xalane iyo madaxtooyada Muqdisho.
Warsaxaafadeedka ayay xarakada shabaabul mujaahidiin ku cadeysay inay gacanta ku heyso maxaabiis ay dagaalka ku qaatay
“Mujaahidiinta ayaa dhanka kale soo furtay maxaabiis Muslimiin ah oo ku xirnaa saldhigga degmada
Kaxda kuwaas oo dulmi iyo xaqdaro lagu heystay. Markii uu howlgalku soo idlaaday, Mujaahidiintu
waxay burburiyeen saldhiga degmada Kaxda, waxaana halkaas ku gubtay dhamaan gaadiidkii ciidan ee halkaas yaalay“ayaa gabagabadii lagu yiri war saxaafadeedka
Dhanka dowladda ma jirto war faafaahsan oo ay kaga hadlaan dagaalka ka dhacay Kaxda.
Halkaan Ka Dhageyso War-saxaafadeedka lagu faahfaahiyay weerarada Muqdisho